Ma Dhabaa in Kulan Qarsoodi ah ay Mogadishu ku Yeesheen Xildhibaano & Musharixiintii u taagneyd Xilka Madaxtinimada Dalka…

Somalia news

Warar ayaa laga helayaa kulan qarsoodi ah oo ka dhacay hoyga Sheekh Shariif Sh. Axmed, ayna wada yeesheen ku dhawaad 80-Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka iyo 4-Musharax oo u tartamay Xilka Madaxweynenimada Dalka, kulankaan oo looga dooday Mashruuca wax ka bedelka Dastuurka & dhibaatada ka dhalan karta…

Kulankaan ayaa looga dooday sidii meel dhexdhexaad ah oo heshiis lagu yahay loogu heli lahaa Mashruuca wax ka bedelka Dastuurka Qabyada ah, iyadoo 4-Xubnood oo ka mid ah Golaha Wada tashiga Qaran ay go’aansadeen in Sistem-ka Hogaanka Dalka laga dhigo Madaxweyne iyo kuxigeen iyo qodobo kale, inkastoo Maamulka Villa Somalia lagu eedeeyay ineysan marka hore Mashruucaan aysan ka tala gelin Garabyada Mucaaradka iyo Shacbiga Soomaaliyeed.

Kulankaan ayaa aad looga dooday in Go’aankaasi in la qaato aysan aqbal aheyn in la raaco go’aanka Golaha Wada Tashiga Qaran ee wax ka bedelka Dastuurka qabyada ah iyo meel marintiisa, waxey isla meel dhigeen in Mashruucaan uu khatar xambaarsan yahay ayna dhici karto in Nidaamka jilicsan ee Dowladda uu burbur ku imaan karo.

Kulankaan ayaa la isku raacan in fariin mid ah loo gudbiyo Hogaanka Villa Somalia iyo Xildhibaanada Barlamaanka, Senatarada iyo in meel looga soo wada jeesto bacdamaa Go’aankani uu taabanayo Masiirka Shacbiga loona baahan yahay in Heshiis wadar oggol ah lagu heshiiyo, iyadoo dhawaan la filaayo in marka laga Xildhibaanada ansixiyaan Xisaab-xirka iyo Miisaaniyada Dalka loo gudbi doono Mashruuca wax ka bedelka Dastuurka qabyada ah.

Xogo loo qaateen ah ayaa sheegaya in Mashruuc kale oo qatar ah ay si hoose u wadaan Tiro badan oo Xildhibaanada Baarlamaanka, Mashruucaan ayaa ah in Gunnada (Mushaarka) Xildhibaanada oo hadda ah 3000-US$ la gaarsiiyo ilaa 6-7-Kun US$, Villa Somalia iyo Laanta Fulinta ay ku adkeysteen ineysan jirin isla markaasna heynin dhaqaale ku filan oo kordhinta Mushaarka Xildhibaanada & Senatorada balse ay diyaar u yihiin iney wada hadal & gorgortan ka galaan.

291130cookie-checkMa Dhabaa in Kulan Qarsoodi ah ay Mogadishu ku Yeesheen Xildhibaano & Musharixiintii u taagneyd Xilka Madaxtinimada Dalka…