Mareykanka Oo Cunaqabateyn Saaray Horjogayaal ka tirsan kooxda Daacishta Somalia

Somalia news

Kadib markii ay Dowladda Mareykanka ay Liiska Horjoogayaasha cusub ee kooxda Shababka isla markaasna ay cunaqabateyn saareen ayeey faafiyeen Liiska Horjoogayaasha Kooxda Argagixisada Daacishta Somalia kuwaasoo fadhigoodu yahay Buuraha Galgala ee degaanada Sanaag Bari..

Wararka ayaa sheegay in Horjoogaha cusub ee Kooxda Daacishta Somalia lagu magacaabo Cabdiraxmaan Faahiye, kaasoo bedelay Carkowga Da’ada ah Bukaanka ah Cabdulqaadir Muumin, isagoo lagu eedeeyay inuu dembiyo dhowr ah oo ay ka mid yihiin Abaabulka koox argagixisi, Dilal, Afduub & soo gelin dalka hub iyo Kiimikada.

Sidoo kale waxaa ka mid ah Shaqsiyaadka cunaqabataynta la saaray Maxamed Axmed Qaxiye oo la sheegay inuu yahay madaxa Amniyaatka kooxda Daacishta iyo Cabdirahman Maxamed Cumar, oo lagu eedeeyey inuu xubin ka yahay Daacishta Somalia iyo inuu yahay xubinta ugu firfircoon ee laga soo bilaabo 2020-kii hubka sharcidarada ah kasoo dejiya degaanada xeebaha bariga Puntland.

222710cookie-checkMareykanka Oo Cunaqabateyn Saaray Horjogayaal ka tirsan kooxda Daacishta Somalia