Dilalka Bareerka ah ee Wadayaasha Mooto Bajaajta sii Kordhaaya & Dowlada oo ka Gaabisay Wax ka Qabashada..

Somalia news

Faahfaahin ayaa laga helayaa Askari ka tirsanaa Ciidamada Boliiska ayaa darawal Mooto Bajaaj ku dilay waaxda Calasow dheere ee degmada Shibis ee Magaalada Muqdisho, iyadoo Askari dilka geystay uu ka baxsaday goobta oo isbaaro u aheyd Xoogaga Amaanka…

Allaha u naxariistee Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cabdiraxiin Cabdulle Sheekh, Sababta loo dilay marxuumka ayaa lagu waxaa sheegay inay tahay nalka mootada oo uu ku shidan oo Askariga dhibsaday, kadibna uu sidaas xabad ugu dhuftay, iyadoo falka dilka uu ka horeeyay muran dhex maray Marxuumka iyo Eedeysanaha.

Ehelada Marxuumka ayaa Laamaha Amniga Dowladda ka dalbaday in gacanta lagu soo dhigay Eedeysanaha ka dambeeyay dilka, iyagoona tilmaamay in aan la aasi doonin marxuumka ilaa cadaala laga horgeynayo, Maamuladii isaga dambeeyay Villa Somalia ayaa ku fashilmay iney xakameeyaan Ciidamada Isbaarooyinka ay dhigeen.

310970cookie-checkDilalka Bareerka ah ee Wadayaasha Mooto Bajaajta sii Kordhaaya & Dowlada oo ka Gaabisay Wax ka Qabashada..