Dilka Hogaamiye Mucaaradka Oromada oo lagu Eedeeyay Abiy Axmed..

Africa News

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa shirqool dil xambaarsan oo lagu eedeeyay iney ka dambeeyaan Ra’iisal wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed iyo Maamulkiisa dilka Hogaamiyaha Kooxda Mucaaradka Oromada oo caan ahaa kana tirsanaa Jabhadda Mucaaradka Oromada ee OLF…

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in Bate Urgessa oo ahaa Shaqsi caan ah ayaa habeenimadii Talaadadda lagala baxay Hotel uu ka deganaa magaalada Meki oo uu kasoo jeedo, Gobolka Shoa ee Oromada, kadibna waxaa meydkiisa laga helay meel Qashin-qub ah.

Ehelada Marxuumka ayaa laga soo xigtay in Xoogaga Amaanka Addis abeba inay Hotelka uu deganaa ka kaxeysteen koox u eg, ayna falkaasi ku fuliyeen, waxeyna dalbadeen cadaalad, Afhayeenka OLF Lemi Gemechu ayaa dhinaciisa sheegay in ciidamo hubeysan ay ka wateen Hoteel ku yaala magaalada Meki oo 150-Kiiloomitir u jirta Magaalada Addis Abeba, kadibna meydkiisa la helay.

Jabhadda Mucaaradka ah ee Oromo Liberation Front (OLF) ayaa si weyn u cambaareysay “dilkii arxan darada ahaa” ee loo geystay Sarkaalkooda siyaasadeed Bate Urgessa iyadoo sheegay in dilkaas uu ahaa mid laga naxo, Bate Urgessa ayaa bishii hore uun laga sii daayey xabsi ay dhigtay dowladda Itoobiya, waxaana ka mid ahaa siyaasiyiinta mucaaradka ugu cadcad ee ka horjeeda Ra’iisal Abiy wasaare Abiy Ahmed.

320390cookie-checkDilka Hogaamiye Mucaaradka Oromada oo lagu Eedeeyay Abiy Axmed..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *