Xog:-Khilaaf ka Dhex Qarxay Garabyada Demu Jadiid & Daljir ee Villa Somalia ku wada sugan…

Somalia news

Macluumaad hordhac ah ayaa laga helayaa Khilaaf xargo goostay oo gaaray meeshii ugu sareysay ayaa ka bilaawday Xafiisyada Madaxtooyada Dalka kaaso udhexeyay Wasiiro Dowlaha Madaxtooyada Abshir Maxamed Axmed (Bukhaari alias Iley Batuuta) iyo Agaasimihii hore ee Madaxtooyada Huseen Sheekh oo hadda iska casilay xilkaas waxaa soo farageliyay Madaxweyna Hassan Sheikh Mohamud isagoo lagu wado inuu soo gaabin doono safarka….

Xogtaan ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijiyay Madaxweynaha ayaa ku wargeliyay Wasiirka 1-aad Xamza Cabdi Barre inuu xilka ka qaado/Eryo Wasiir dowlaha Madaxtooyada Abshir Bukhaari, isigoo aad Madax isku wadagalshay Shaqaalaha Madaxtooyada kuna tagrifalay awoodiisa wasiirnimo.

Garabyada Labada Urur-Diimeed ee Demu jadiid iyo Daljir oo awood qeybsi ku ahaa muddo sanad ah Maamulka Dowlada Federaalka isla marjaasna Kaadiriintooda ku tixay Xilalka Muhiimka ee Dowladda Dowladda Federaalka ayaa haatan u muuqda iney kala irdhoobayaan, inkastoo Wasiirka Cadaalada oo ah Gudoomiyaha Ururka Daljir uu wado waan waan aan la fileynin iney ka soo baxdo natiijo ay ku sii wada shaqeeyaan.

270610cookie-checkXog:-Khilaaf ka Dhex Qarxay Garabyada Demu Jadiid & Daljir ee Villa Somalia ku wada sugan…