Miyeey Ethiopia u Adeegsatay Dagaalka Tigray Drones-ka Iran Lagu Farsameeyo

Africa News

Tan iyo markii ay colaada ka qaraxday Waqooyiga Tigray, Waxaa soo shaac baxaaya Warbixino tilmaamaya in Ciidamada Ethiopia ay Dagaalada u adeegsanayaan Diyaaradaha Drones-ka Ee lagu Farsameeyo Dalka Ikran, iyadoo ay Khubaro Iraaniyiin ahi ay gacan siinayaan.

Ilo Wareedyo Ku dhow Sirdoonada Reer galbeedka iyo Saraakiisha Xoogaga Tigray ayaa sheegay in Diyaaradaha Drones-ka oo ku Hubeysan Gantaalo ay ka qeyb qaadanayaan dagaalada, waxeyna ka soo duulayaan garoon diyaaradeed oo Ciidamada Eritrea ku leeyihiin gudaha dalkaasi.

Xogtaan ayaa xaqiijisay in muddo ah Ciidamada Boliiska Ethiopia ay adeegsanaayeen Diyaaradaha Drones-ka lagu farsameeyo Dalka China markii dambana lagu wareejiyay Ciidamada Ethiopia, markii dagaaladu ay sii daba dheeraadeen isla markaasna guuldarooyin la kulmeen Ciidamada Ethiopia iyo kuwa Maamulada.

Muqaal (Sawiro) la qaaday 3-dii bishaan August 2021, ayaa muujinaaya Ra’iisul Wasaaradaha Ethiopia oo ay Wehliyaan Agaasimaha Sirdoonka Ethiopia Mr.Temesegen Tiruneh iyo Saraakiil kale kuwaasoo kormeeray Garoon diyaaradeed oo ku yaal Gobolka Cafarta, si loogu adeegsado diyaaradaha drones-ka Iiran.

135980cookie-checkMiyeey Ethiopia u Adeegsatay Dagaalka Tigray Drones-ka Iran Lagu Farsameeyo