Ma Dhabaa in Kulan lagu Dhexdhexaadinaayo Madaxweynaha & Sheekh Shariif uu ka Dhici doono Nairobi..

Somalia news

Xogo loo qaateen ah ayaa sheegaya in Madaxweynaha Dowladda Federaalka ayaa lagu wadaa inuu berito Safar Shaqo ku tago dalka Kenya, iyadoo uu la kulmi doono Madaxweynaha Dalkaasi Mr.Ruto, kalana hadli doono Khilaafka Somalia iyo Ethiopia iyo isagoo halkaasi kaga qeyb gali doono shir beeleed ay Odayaal dhaqmeed iyo Ganacsatada ku ood wadaag ah, kuwaasoo isku xil saaray isku keenida Madqxweynaha iyo Shariif Sheekh Axmed…

Wararka ayaa sheegaya in Shirka Beesha Mudulood ee dhexdhexaadinta oo ka soo bilowday magaalada Makka todobaadkii hore, inkastoo aam la aqoon natiijada kasoo bixi karta oo ay isku qaadan karaan Madaxweyne Xassan iyo MW Shariif Sh Axmed oo Muddo aad Mucaaradsanaa Maamulka Madaxweynahe ee jiheynta Siyaasada.

Madaxweynaha ayaa ku howlan qancinta Siyaasiinta saami qeybsigiisa hoose ee aragtidiisa aan ku qanacsaneyn, isagoo todobaadyo kahor gurigiisa ugu tagey Senator Muuse Suudi, una sameeyay Balanqaadyo aan la shaacin iyo in Maamulka Gobolka Banaadir usiin doono Shaqsiyaad dhinaciisa ah.

320360cookie-checkMa Dhabaa in Kulan lagu Dhexdhexaadinaayo Madaxweynaha & Sheekh Shariif uu ka Dhici doono Nairobi..

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *