Xaalada Magaalada Baydhabo Oo Xiligaan qarka u saaran Halaag iyo Colaado cusub

Somalia news

Inkastoo sanadihii ugu dambeeyay ay soo muuqaneysa ifafaalo soo kabasho ah Magaalada Baydhabo, haddan waxaa shaki hareeyay inuu si Xarago leh oo Nabdoon xilka u wareejiyo Madaxweynaha muddo xileedkiisii dhamaaday, waxaana muuqata cabsi ah in Musiibo ka dhacdo…

Muwaadiniin Soomaaliyeed ayaa su’aalo ka keenay waxa Siyaasiyiinta xiligaan u door bidaan iney Xukunka isku dhejiyaan oo Beeshooda u habar wacdaan si loogu difaaco Kursiga, xiisadaan muuqata ee qabashada doorasho heshiis lagu yahay ayaa badbaadin karta in dhiig uu ku daato xaaladuna isku rogi karto gacan hadal.

Qalalaasahaan ayaa ku soo hagaagay xili ay ku sugan yihiin magaalada Baydhabo 1,2 oo barakacayaal ah oo ay sababeen abaaraha iyo dagaalada kooxda argagixisada Shababka kaga doo qixiyeen degaanadoodii si la mid ah gadoodka siyaasada ee xil isku dhejinta Lafta gareen ayaa uga sii dari karta xaalada cakiran iskuna rogi karta musiibo.

Xabsi kor ka furan

Dhamaan degaanada ku hareereysan iyo wadooyinka soo gala magaalada Baydhabo waxaa ka arimiya kooxda argagixisada Shababka, tani ayaa ka dhigan in Magaalada ay u go’doonsan tahay kooxda, iyadoo 4-Mas’uul oo uu ku jiro Wasiirkii Cadaalada Konfur galbeef ayeey kooxda argagixisada ku dileen weerar qaraxyo iyo dilal qorsheysan 5-tii bilood ee u dambeysay.

232390cookie-checkXaalada Magaalada Baydhabo Oo Xiligaan qarka u saaran Halaag iyo Colaado cusub