Dooni Kaluumaysi oo Yemen laga leeyahay oo lagu Afduubtay Gacanka Cadmeed & Sababta..

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helaayaa Dooni kaluumaysi oo laga leeyahay Dalka Yemen oo lagu afduubay Badda Gacanka Cadmeed isla markaasna lagu dilay hal Badmaax iyadoo Shaqaalihii kala laga dejiyay Dekeda Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari Puntland…

Sida laga soo xigtay Hey’adda British security firm Ambrey, kadib markii lagu guuleystay Afduubka ayaa Shaqaalihii la socday doonta oo mid la dhaawacay waxaana saarnaa 21-Shaqaale oo u dhashay Dalka Yemen, iyadoo laga dejiyay Dekada magaalada Boosaaso.

Shaqaalaha ayaa lagu wadaa in dib loogu celiyay Maanta Dalka Yemen, Hey’adda Ambrey ayaa Sheegtay in afduubka Doontaan uu ka dhashay khilaaf soo kala dhex galay Kaluumaysatada Yemen iyo kooxda Burcad Badeedka Puntland oo ka hawlgala Agagaarka Boosaaso, Dhacdadan ayaa sii xoojisay dib u sio laba kacleynta burcad badeedda Puntland ee ku caan baxay afduubka Maraakiibta & Doomaha Kaluumeysiga taasoo muujineysa khatar ka taagan Badda Gacanka Cadmeed iyo Indian Oceans.

315630cookie-checkDooni Kaluumaysi oo Yemen laga leeyahay oo lagu Afduubtay Gacanka Cadmeed & Sababta..