Muxuu Salka Ku Hayaa Dagaalka Magaalada Baraawe Ka Dhacay

Somalia news

Labadii maalmood ee u dambeysa waxaa Magaalada Baraawe ee Gobolka Shabeelada hoose, ka taagan khilaaf salka ku haya awood qeybsiga maamulka magaalada, iyadoo uu shalay ka dhacay dagaal u dhaxeeyey Ciidamo Kuwa Dowladda Federaalka ah iyo Dadka Degaanka oo isku dhinac ah iyo ciidan gaar ah oo dhawaan uu Baraawe geeyey Mr.Laftagareen…

Khilaafkaan ayaa la sheegay inuu salka ku hayo dhismaha Maamulka degmada oo la doonaayo in loo dhiso Magaalada Baraawe, iyadoo lagu eedeeyay Mr.Lafta gareen inuu diidan yahay in beesha Hawiye ay xubno ku yeelato golaha Degaanka ee loo dhisayo Magaalada, isagoo taas ka duulaya ayuu maalmo ka hor ciidamo si gaar ah uga amar qaata ka soo daabulay Baydhaba, waxuuna ka dejiyey Baraawe, kuwaas oo shalay dagaal ku galay magaalada.

“Dagaalka  Baraawe waxa uu salka ku hayaa dulmi uu Laftagareen ku hayo Beelaha Hawiye oo bulshada Baraawe ku nool ka ah 90%, horay ayuu Hawiye ugu diiday saamigii Madaxweyne ku xigeenka oo ay beeshu ku heshay awood qeybsiga iyo deganaashaha gobollada Bay, Bakool iyo Sh/Hoose, waxaan nahay qabaa’ilka ugu canshuur bixinta badan Koonfur Galbeed, waxay socotaba, waxay soo gaartay in maanta golihii degaanka ee la yiri Baraawe haloo sameeyo uu Laftagareen Hawiye u diido,” ayuu yiri mid ka mid ah odayaasha dhaqanka ee ku nool degmada Baraawe.

Dagaalka ayaa la sheegay inuu ka bilaawday kadib markii 100-Ciidamo ku heyb ah Lafta gareen la keenay Magaalada si ay u boobaan dhismaha Golaha degaanka, iyagoo la sheegay in Ciidamadaasi ay dileen Askari ka tirsan Ciidamada Dowladda, kadibna waxey isku dayeen iney xoog ku meel mariyaan Qorshahooda Boobka Doorashada, taasina ayaa dhalisay in 3-Ciidamadii Beydhabo laga keenay la dilo halka kuwii soo haray qaarkood u baxsadeen Xarunta Ciidamada Amisom, waxaana Ka mid ah Wasiirka Amniga Maamulka Konfur galbeed, iyadoo haatan 90% ay gacanta Magaalada ku jirto Ciidamada Dowladda Federaalka iyo Dadka Degaanka.

149380cookie-checkMuxuu Salka Ku Hayaa Dagaalka Magaalada Baraawe Ka Dhacay