Sidee u Hanan Karaa Rooble Fursadaha Khilaafka Doorashada

Somalia news

Shacbiga Soomaaliyeed ayaa si gaar ah u xiisenaaya Kulanka lagu xalinaayo Khilaafka Doorashada, Shirkani kuma imaanin rabitaanka iyo Is-Xil-qaan Siyaasadeed ee Farmaajo iyo Mursal, balse wuxuu ku yimid kadib Ciidamada qabsaday qeybo ka mid ah Magaalada kana horyimid muddo kordhintii sharci darrada aheyd Ee Xildhibaanada iyo Farmaajo ay Go’aansadeen…

Wada hadaladaan una muuqdaan iney maanta Furmayaan, maxaa yeelay waxaa soo shaac baxaaya Qodobo badan oo ay dhinacayada isku diidan yihiin, iyadoo Mr.Rooble looga fadhiyo sida uu u maareeyo Qodobadaasi iyo qabsoomida shirka Waa kuwo is dhex yaala una baahan in marka hore laga heshiisyo, waxaana ka mid ah:-

– In Rooble uu abuuraa Kalsooni dhinacyada is khilaafsan sida Hogaanka Sare Laamaha Amaanka, xalna laga gaara Shaqaaqadii 25-29 April dhacay.

-In Rooble iska ilaaliyaa Khaladkii ay ku dhacay Farmaajo Ee ku aadanaa Muddo Kordhinta Sharci darrada aheyd, Magacaabista Guddiyada Doorashada Xubno shaqaale ka ah Madaxtooyada iyo NISA.

-Xalinta Ciidamada Gobolka Gedo iyo Xiisadaha ku xeeran Guddiyada Doorashada Jubbaland. Waana inuu door dhexdhexaadineed ka ciyaaraa.

-Waa inuu Xaliyaa Xiisadaha ku gedaaman Guddiyada Doorashada Wakiilada reer Waqooyiga Ee soo xulaaya Xildhibaanada.

-Waa in Wakhti cayiman oo muddo gaaban ah loo qabtaa xiliga Doorashada.

119820cookie-checkSidee u Hanan Karaa Rooble Fursadaha Khilaafka Doorashada