Doon Hub Sida Oo Xeebaha Somalia Lagu Qabtay

Somalia news

Ciidamada Mareykanka ayaa shaac ka qaaday iney gacanta ku dhigeen Doon la sheegay iney sida shixnad hub sharci darro ah, sida ay sheegeen Warbixino aan la socon faahfaahin dheeraad ah oo ku saabansan Hubka la qabtay….

Wararka ayaa sheegaya in Hubkaan oo ka kooban noocyada BKM-ka Ak-47 iyo Qoryaha RPG, ayaa la tuhmaaya in loo waday Kooxaha Argagixisada Ee Shababka, waxaana lagu qabtay xeebaha Gobolka Jubada hoose Sida ay sheegeen ilo sirdoon oo loo qaateen ah.

Inta badan Doonyaha Hubka lagu qabto gudaha biyaha Somalia ayaa la sheegaa iney inta badan u raran yihiin Kooxda Shababka halka qaar kale la sheego iney iska leeyihiin Ganacsato Soomaaliyeed oo hubka iibintiisa ka macaasha, Kooxda Shababka Ayaa lagu Eedeeyay iney Taageero xagga dalal Shisheeye kuwaasoo isugu jira Hub, Rasaas iyo Dhaqaale.

95630cookie-checkDoon Hub Sida Oo Xeebaha Somalia Lagu Qabtay