Doorashada Degaanada Puntland & Shakiga Ku Gedaaman

Somalia news

25-kii October sanadkaan ayaa doorasho degaan oo tijaabo ah laga qabtay 3-degaan oo ka tirsan Maamul Goboleedka Puntland, iyadoo Dadku ay u dareereen Doorasho Qof iyo Cod laguna dooranaayay golayaasha Degaanka markii ugu horeysay, natiijadana noqotay mid la Musuqmaasuqay..

Degaanada laga qabtay Doorashada tijaabada ah ayaa kala ahaa Eyl, Uufweyne iyo Qardho, waxaana ku tartamaayay ilaa 8-Xisbi Oo degaanka ka tirsan, iyadoo ay tijaabo iyo hordhac u aheyd Doorashada guud oo lagu wado in la qabto Sanadka soo socda hadii laga gudbo lana saxo caqabadaha iyo wax is daba marinta dhacday intii lagu guda jiray Doorashada.

Doorashada ayaa aheyd nooca “Liiska xiran”, iyadoo ay ka qeyb galeen Dadka Magaalooyinka ku nool iyo kuwa Miyiga oo aan intooda badan waxna wakhrin islamarkaana qorin, iyadoo la sheegay in Maamulka iyo Hogaanka Xisbiyada ay ku heshiiyeen iney Dadkaan ay caawinaad ka helaan Guddiyada Doorashada ee ku sugan goobaha codbixinta iyo Wakiilada Xisbiyada.

Xogtaan ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijisay in Dadka kor ku xusan iyo kuwa Baahiyaha gaarka ah qaba ee Caawinta u baahan ayaa si xad ka bax ah loo Musuqmaasuqay codkoodii, halka Cododka qaarkood la sheegay in dhaqaale yar lagu kala iibsaday, iyagoo lagu wargeliyay iney weydiistaan caawimaad marka uu soo istaago goobta Doorashada.

Talaabooyinkaan ayaa waxey meesha ka saareen xaqa Muwaadinka u leeyahay inuu codkiisu yahay qarsoodi taaso la mid ah Dastuuri, Dadka qaarkood ayaa cambaareeyay meel marinta natiijada Doorashada, iyagoo sheegay iney dhaceen xadgudubyo u baahan in la saxo, waxeyna ka digeen in lagu dhiirado in Doorasho la qabto.

151880cookie-checkDoorashada Degaanada Puntland & Shakiga Ku Gedaaman