Ma Dhabaa in Sanduuqa Keydiya Xogta Duulimaadka ee Diyaaradii Jubba Airways Aan weli Helin..

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa tilmaamaya Baaritaan hordhaca ah oo lagu sameeyay shilkii diyaaradii Jubba Airways ee 18-kii bishan July ee ku burburtay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho lagu ogaaday in aan wali la helin Sanduuqa xogta duubista duulimaadka ee diyaarada…

Sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo loo qaateen ah ilaa hadda, laguna guuleysan in la helo sanduuqa duubaba duulimaadka diyaarada (FDR) waxay diiwaan gelisaa macluumaadka muhiimka ah ee duulimaadka wixii dhacay daqiiqadihii ugu dambeeyay ka hor shilka, inkastoo muuqaalo ay duubeen Kaamirooyinka Xerada ATMIS ay muujinayaan in Duuliyaha Diyaarada uu xakameyn waayay Xiligii ay degeshada ku jirtay Diyaarada.

Ilo Wareedyo Waaxda Duulimaadyada ayaa si hoose u sheegay iney la soo dhameystiray Baarista shilka diyaarada, laakin Injineer dayactirka diyaaradaha ah, ayaa sheegay inuu aad ula yaabay markii uu ogaaday in baaritaanka la soo gabagabeeyay iyada oo aan la helin FDR, wuxuu intaasi raaciyay in duruufaha iyo goobta uu shilku ka dhacay aanay caddayn sababta Sanduuqa (FDR) loo waayay.

Sida laga soo xigtay Baarista nidaamyada dabagalka duulimaadyada caalamiga ah, laba diyaaradood oo jet ah – Boeing 727 Freight iyo Airbus 320, ayaa ku soo dageen dhabbaha dayuuradaha 05 iyadoon wax shil ah dhicin 30 daqiiqo ka hor shilka Jubba Airways, Labada diyaaradoodba waxa ay ku rakiban yihiin qalabka lagu ogaado dabaysha.

204130cookie-checkMa Dhabaa in Sanduuqa Keydiya Xogta Duulimaadka ee Diyaaradii Jubba Airways Aan weli Helin..