Dibindaabyada Villa Somalia Ee Guddiyada Doorashada & Caqabadaha Ka Dhalan kara

Somalia news

Waxaa soo baxaya saansaantii ugu horreysay oo muujinaysa in Farmaajo iyo Kooxdiisa ay wadaan dibindaabyo iyo carqaladeyn ay ku hayaan Dadaalada uu wado Wasiirka 1-aad Ee Xil gaarsiinta kuna Aadan Xalinta Khilaafka Guddiyada Doorashada ee Xubnaha Waqooyiga, Gobolka Gedo iyo kuwa Beesha 5-aad…

Khilaafka Guddiyada Doorashada Waqooyiga:-

Prof.Kabire oo ka faalooda Arrimaha gudaha Ee Somalia ayaa sheegay “Inkastoo uu magac ahaan wareejiyay Howlaha Doorashada iyo amaanka, haddana waxaa muuqda inuu weli faragelin iyo saameyn ku leeyahay islamarkaana uusan ka tanaasulin, maxaa yeelay Waxaa ku xiran soo laabashadiisa, isagoo raba in Kuraasta Waqooyiga in 57-kursi uu 50 Ka mid ahi helo”.

Sidoo kale wuxuu is tusay in 16-kursi ee Gobolka Gedo iyo 32-kursi ee Beesha 5-aad uu yaqiinsaday inuu si fudud ku heli karo, maxaa yeelay 14- ka mid ahi Waxaa laga soo xulayaa Beesha Mareexaan, iyadoo ay soo shaac baxayaan diidmo xoogan oo Jufooyinka qaarkood ay kala horyimaadeen rabitaanka Farmaajo, waana talaabada horseeday inuu fashilmo dadaaladii Uu waday Rooble.

Waxaa kale oo qeylo dhaan ka soo yeerayaan saamiga Musharixiinta Benaadiriga kuwaasoo dhan 5-xubnood inkastoo aysan ahmiyad weyn laheyn hadana waxaa la sheegay in Farmaajo uu faragelin xoogan uu ku hayo Guddiyada Maamulaaya, iyadoo cabasho xoogan laga horkeenay, looguna baaqay inuu faraha kala baxo.

Xubnaha Beesha 5-aad, ayaa intooda badan Waxaa lagu wadaa in la bedelo, waxaa la sheegay in laga soo reebay Khadiija Maxamed Diiriye iyo Maxamed Cumar Dalxa, inkastoo xubnahaan xiriiro hoose ay la leeyihiin Musharax Kheyre iyo Sheekh Shariif, hadana Farmaajo ayaa ku tashanaaya.

128820cookie-checkDibindaabyada Villa Somalia Ee Guddiyada Doorashada & Caqabadaha Ka Dhalan kara