Dembiile Shabab ah Inta Qabano Qabiil u Sii Deyn Meyno

Somalia news

Gudoomiyaha Gobolka Mudug (Pubtland), ayaa si adag ugu jawaabay qeylo Dhaan ay soo saareen Odayaal ka soo jeeda Magaalada Mogadishu, wuxuuna sheegay in Dembiile Shabab ah inta la qabto inaan qabiil ahaan loo sii deyn doonin…

Mr.Cabdiladhiif Muuse oo ka hadlaayay munaasabad ayaa sheegay ineysan dhageysan doonin hadalada qabiilka ku saleysan Ee ku aadan 8-xubnood oo lagu soo eedeeyay iney ka tirsan yihiin Maleeshiyaadka Kooxda Argagixisada Shababka.

Wuxuu intaasi raaciyay in Nimanka hadda loo qeylinaayo waxey Magaalada Gaalkacyo soo degeen sanadkii 2012-kii, Kooxda Shababka ayaana Kawaano u furtay, Dadka laaya iyagaa yiri, oo Bistooladaha u gadi jiray, waxaana la horgeeyay Maxkamada iyadana go’aan ka gaari doonta” ayuu yiri Gudoomiyaha Gobolka.

Xubnahaan la eedeynaayo ayaa la sheegay in 6-ka mid ah ay ka soo jeedaan Beesha Murusade halka labada kale la sheegay iney ka soo jeedaan Beelaha Abgaal iyo Raxanweyn, waxaana lagu Eedeeyay iney ka tirsan yihiin Kooxda Shababka isla markaasna ay maalgelin jireen howlgalada Kooxda ka fuliso Magaalada Gaalkacyo Ee Gobolka Mudug

128750cookie-checkDembiile Shabab ah Inta Qabano Qabiil u Sii Deyn Meyno