Dowlad Goboleedyada Puntland Iyo Jubbaland Oo Soo Saaray Liiska Guddiyada Doorashada

Somalia news

Dowlad Goboleedyadda Puntland iyo Jubaland oo muddo laga sugayey inay soo magacaabaan guddiyadda doorashada heer dowlad goboleed ayaa xalay xilli dambe soo saaray warsaxaafadeed wada-jira iyo magacyada gudiyada heer dowlad goboleed ee Jubaland iyo Puntland….

Habka loo magacaabay guddiyadaas ayaa ah mid ka duwan habraacii horey loogu heshiiyay ee lagu yaqaanay magacaabista guddiyadda doorashada. Balse waxaa lagu fasiray mid ay wali doonayaan inay ku sii wadaan xarig jiidkii siyaasadeed ee ka dhexeeyay iyaga iyo Farmaajo.

In Madaxweyne Saciid Deni shir ku baaqo oo ka dhaca Magaalada Muqdisho, Ayaa loo fasiray in Hogaanka Dowladda Federaalka ay ka gaabiyeen kaalintoodii iyo Saameyntii ay lahaayeen, iyadoo Madaxweyne Farmaajo iyo Raโ€™iisul Wasaare Rooble aamusan yihiin ayaa ah ciyaar siyaasadeed oo ka weyn aqoontii lagu yaqiinay Kooxda Villa Somalia, waxaana kaalintoodii buuxiyay Mr.Swan.

Maamulka Puntland ayaa waxaa ay shaacisay xubnaha Guddiga Doorashada Federaalka ee Puntland kuwaas oo kale ah:

-Cabdikariim Muuse Maxamuud
-Muuse Cabdulqaadir Ducaale
-Axmed Cabdi Maxamuud
-Caynaanshe Yuusuf Xuseen
-Caydaruus Axmed Faarax
-Cabdirisaaq Cabdulle Faarax
-Farxiya Xuseen Maxamuud
-Canab Xaaji Saleebaan Warsame

Maamulka Jubbaland ayaa sidoo kale soo magacaabay Guddiga Doorashooyinka heer federaal, waxaana loo magacaabay

1. ๐’๐ข๐ฒ๐š๐š๐ ๐Œ๐š๐ฑ๐š๐ฆ๐ž๐ ๐Œ๐ฎ๐ซ๐ฌ๐š๐ฅ
2. ๐€๐ฑ๐ฆ๐ž๐ ๐Œ๐š๐ฑ๐š๐ฆ๐ฎ๐ฎ๐ ๐‚๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ
3. ๐€๐ฑ๐ฆ๐ž๐ ๐‚๐š๐›๐๐ข ๐๐ฎ๐ฎ๐ซ
4. ๐’๐š๐ฆ๐ฌ๐š๐ฆ ๐…๐š๐š๐ซ๐š๐ฑ ๐€๐›๐ฎ๐ฎ๐ค๐š๐ซ
5. ๐Œ๐š๐ฑ๐š๐ฆ๐ž๐ ๐‚๐ฎ๐ฌ๐ฆ๐š๐š๐ง ๐†๐š๐š๐›
6. ๐ˆ๐›๐ซ๐š๐š๐ก๐ข๐ฆ ๐€๐š๐๐š๐ง ๐ˆ๐›๐ซ๐š๐š๐ก๐ข๐ฆ
7. ๐€๐ฑ๐ฆ๐ž๐ ๐˜๐ฎ๐ฎ๐ฌ๐ฎ๐Ÿ ๐Œ๐š๐ฑ๐š๐ฆ๐ž๐
8. ๐€๐›๐ฎ๐ฎ๐ค๐š๐ซ ๐๐ฎ๐ฎ๐ซ ๐‚๐š๐›๐i

90100cookie-checkDowlad Goboleedyada Puntland Iyo Jubbaland Oo Soo Saaray Liiska Guddiyada Doorashada