Ma Dhabaa in Wasiirka 1-aad ee Dowladda Federaalka Uu Safar ku tegaayo Dalka Indonesia..

Somalia news

Macluumaad hordhac ah ayaa muujinaaya in Wasiirka 1-aad ee Dowladda Federaalka Mr.Xamse Cabdi Barre ayaa ka fel celiya sida uu u xiiseynaayo inuu safar shaqo ku tago Dalka Indonesia si uu u xoojiyo Xiriirka Labada Dal sida ay Daabacday Mi’rj News Agency ee ka soo baxda Dalka Indonesia…

Wasiirka 1-aad oo xiisahaan u muujiyay kulan uh la qaatay Danjiraha Indonesia ee Somalia Mr.Hery Saripudin, kaasoo Dalka Soo gaaray 8-10-kii Bishaan intii uu Caasimada Mogadishu ku sugnaa wuxuu kulamo la yeeshay Mas’uuliyiin kala duwan oo ay ka mid yihiin Hogaanka Boliiska iyo Wasaaradaha Arrimaha Dibeda, Ganacsiga iyo Waxbarashada.

Safariika ayaa sheegay in Ganacsiga u dhaxeeya labada Dal uu sanadkii ku kacaayo Aduun dhan 100-millions US$, iyadoo Saraakisha Dowladda Federaalka ay dhiirigalineyso iney fududeyso geedi socodka wax is dhaafsiga isla markaasna ay meesha ka baxaan caqabadaha hortaagan ganacsiga gaar ahaan arrimaha la xiriira dal ku galka.

255320cookie-checkMa Dhabaa in Wasiirka 1-aad ee Dowladda Federaalka Uu Safar ku tegaayo Dalka Indonesia..