Ololaha Mooshin Xil ka Xayuubinta Xildhibaanada & Dayaca Dowladda ka Muuqda…

Somalia news

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa xaqiijinaaya in 3-dii Maalmood ee ugu dambeeyay waxaa Hoteelada Magaalada Muqdisho si xoowli ah uga socday mooshin (MOTION OF NO CONFIDENCE) lagu kar-karinaayo in Dowladda uu Horjoogaha ka yahay Wasiirka 1-aad in lagu rido…

Sida xogo lagu kalsoon yahay (reliable sources) laga soo wariyay ama xigtay Xildhibaanada wada mooshinka waxa ay kor u dhaafeen ilaa iyo 138-Mudane oo u badan Garabyada Sheekh Shariif iyo Farmaajo oo taageero ja helayaa kuwa Saciid Dani Waxeyna sheegeen iney heystaan aqlabiyad ku filan in kalsoonida lagala noqdo.

Mooshinkaan cusub waxaa kaloo gadaal ka riixaya taageerayaasha Xubno Siyaasiyiin ah oo Maamulka Xasan Gurgurte ku eedeeyay inuu bilaabay Olole lagu cabsi gelinaayo Garabyada Siyaasadiisa ka soo horjeeda iyo taageerayaasha dowladda iyagoo saluugay qaabka Villa Somalia ay wax wado, Milkilayaasha isku gadaamay fulinta howlaha Xukuumada, iyagoo ku eedeeyay fadhiidnimo joogto ah & jago kasta loo xiro (team simad-damul-jadiid & Daljir) eex iyo musuq-maasuq aan loo meel-dayin.

Waxaa lagu wadaa marka ay saxiixaan tirada Xildhibaanada xeer hoosaadka oggol yahay loo gudbiyo mooshinka (No Confidence Vote) Guddoonka Golaha Shacabka.

265030cookie-checkOlolaha Mooshin Xil ka Xayuubinta Xildhibaanada & Dayaca Dowladda ka Muuqda…