Tiro Saraakiil Ciidamada Dowlada oo loo Xiray iney Difaacyadii ka soo Ba een Amar la’aan..

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa tiro Saraakiil ka tirsan Ciidamada Xooga Dalka oo loo xiray Mas’uuliyad darro iyo iney Khiyaano dhan ka ah Ciidamada Dowladda Federaalka ku kaceen, kadib markii lagu eedeeyay iney si toos ah iyo si dadban ugu lug yeesheen Dagaalkii khasaaraha xoogan dhaliyay ee Degaanka Cows-weyne…

Wararka ayaa sheegay in Saraakiish la xiray oo ka tirsan Guutada Gorgor, waxaana magacyadoodu lagu kala sheegay Dhamme Cabdiwali Januune, Dhamme Cabdikafi Cabdiwali Axmed iyo L/Xiddigke Mahad Mahadalle, kuwaasoo la sheegay in lagu hayo xabsi ku yaal xarunta NISA ee Gobolka Benaadir, Saraakiishaan ayaa lagu eedeeyay iney soo baneeyeen Aagagii lagu ogaa amar la’aan.

Madaxweynaha oo shalay Ciidamo kula hadlay magaalada Maxaas ayaa kula dardaarmay iney si hufan uga qeyb qaataan dagaalada looga saaraayo degaanada Gobolada Dhexe Maleeshiyaadka Kooxda argagixisada Shababka, wuxuuna intaasi raaciyay:-

275970cookie-checkTiro Saraakiil Ciidamada Dowlada oo loo Xiray iney Difaacyadii ka soo Ba een Amar la’aan..