Dowladda Federaalka Oo Sharaxaad ka bixisay Magacaabista Maxbuus Wasiir loo xushay

Somalia news

Dhismaha Golaha Wasiirada oo shalay lagu dhawaaqay, Afhayeenka Wasiirka 1-aad wuxuu sharaxaad ka bixiyay Sababta loogu daray Golaha Wasiirada Sheekh Mukhtaar Roobow oo muddo afar sano ah Maxbuus ku ahaa Hoygiisa, horeyna u soo qabtay Afhayeenka Kooxda Shababka…

Agaasimaha Warfaafinta & Xiriirka Dadweynaha isla markaasna ah Afhayeenka Xukuumada Mr.Farxaan Jimcaale oo ka qeyb galay Barnaamijka dooda ee ”twitter spece” ayaa xaqiijiyay in Dowlada ay ahmiyad gaar ah siineyso Amniga iyo ka xoreynta Dalka Kooxaha Argagixisada, sababtaasi loogu soo daray Maxbuuska.

Roobow oo soo caan baxay sanadkii 2006-dii, isagoo soo qabtay Madax kuxigeenkii Difaaca ee Midowga Maxkamadihii Islaamiga ee u hubeysnaa ee ka hanaqaaday Konfurta Somalia, xiligaasi oo Kooxdaan si KMG ah ula wareegtay Maamulka Gobolada Konfurta & Bartamaha kadib markii ay jabiyeen Isabaheysigii Hogaamiye kooxdayada oo Mareykanka taageerayay.

Dhanka kale, Wasiir Xasan Eelaay oo xilligii uu ahaa Wasiirka Amniga KGS ay dowladdii Farmaajo isaga iyo mas’uuliyiin kale u adeegsatay in la xiro Sheekh Mukhtaar Roobow, lagana soo qabtay Baydhabo bishii December 2018 ayaa galabta markii xilka Wasiirka Xanaanada Xoolaha loo magacaabay waxaa uu Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha hortooda ku raalli geliyay Mukhtaar Roobow, waana uu cafiyay.

Sheekh Mukhtaar Roobow oo muddo saddex sano arrimo siyaasadeed ugu xirnaa dowladdii hore ayaa maanta ka mid noqday Golaha Wasiirada cusub, isagoo loo magacaabay xilka Wasiirka Arrimaha Diinta iyo Awqaafta.

205220cookie-checkDowladda Federaalka Oo Sharaxaad ka bixisay Magacaabista Maxbuus Wasiir loo xushay

2 thoughts on “Dowladda Federaalka Oo Sharaxaad ka bixisay Magacaabista Maxbuus Wasiir loo xushay

  1. Waan ku faraxsanahay in shuraanshurtii uu watay Farmaajo aysan weligood aysan xukun Soomaaliyeed ku soo Laban doonin, Laakin Gurguurte ma ka faa’iideysan doontaa fursada 2-aad Mise iyadoo qabo ah Ayuu ka Shiraacan doona inta uu ku mashquulo boob dhaqaale

  2. Waxaan maqli jiray hadii la wareero Weynaha la miciinsadaa, Qoslaaye ma wuxuu miciin biday Wadaad 3-5 sano ku jiray Xabsiga oo inuu u xoreeyo ayaa ka sugayaa (Walaahi Waa yaab), Dalkaan Waa dayacan yahay hadiiba la sugi la’yahay Amaanka

Comments are closed.