Guddiyada Doorashada Oo Ku Fashilmay Jadwalkii Ay Soo Saareen

Somalia news

Waxaa marka kale dib u dhac ku yimid jadwal doorasho oo ay soo saareen Guddiga doorashada dadban ee heer Federaal ee lagu muransan yahay, kaasoo ay ku qeexeen xilliga loo qorsheeyay inay dhacdo codaynta Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Somalia…

Guddiyadaan lagu muransan yahay ayaa horay waxa ay u soo saareen jadwal doorasho 23-kii bishii December 2020, waxaana jadwalkaas uu dhigayay in Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada ay soo saaraan 29 December Liiska Musharaxiinta Aqalka Sare, isla markaana 31 December 2020 illaa 6 Janaayo 2021 ay ku dhacdo doorashada Aqalka Sare.

Intaas kadib waxaa uu Guddiga soo saaray jadwal labaad taariikhda marka ay aheyd 29 December, waxaana uu markaas uu sabab uga dhigay is bedelka ku yimid jadwalka codsi uga yimid Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug oo ka dalbaday in waqti la siiyo muddo dib loo dhigo.

Illaa iyo hadda ma dhaqan gelin jadwalka iyo habraacyadii uu guddigan soo saaray, waana jadwalkii labaad oo fashilma, sababo la xiriira is mari waaga ka taagan Hirgelinta hannaanka doorashada oo ay isku hayaan dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada, gaar ahaan Puntland iyo Jubbaland, waxaana shaki ku jirin in fashilkaasi uu Mas’uuliyadeeda leeyahay Madaxweynaha Dowlad Federaalka oo tanasuul la imaan waayay.

86920cookie-checkGuddiyada Doorashada Oo Ku Fashilmay Jadwalkii Ay Soo Saareen