Dowlada Federaalka Oo Hawada Ka Celisay Ethiopian Airlines oo Ku sii Jeeday Hargeysa..

Africa News Somalia news

Sida ay xaqiijinayaan ilo wareedyo loo qaateen ah, ayaa sheegay in duulimaad Lambarkiisu yahay 8372 ee Ethiopian Airlines oo aan qorsheysneyn ayaa Waaxda Hawada Dowlada Federaalka u sheegtay ineysan fasax u heysan iney ku degto magaalada Hargeysa, iyadoo si KMG ah Duulimaayada Diyaarada Ethiopian Airlines loo joojiyay..

Xogtaan ayaa xaqiijisay in Captain-ka Diyaarada uu ku wargeliyay Qeybta hawada iney la socdaan Wafdi (VIP) ah oo ka socda Dowlada Ethiopia, kana soo duuleen Garoonka Diyaaradaha Addis Ababa, kuna socotay madaarka Hargeysa, waxaa lagu wargeliyay in Dhamaan Duulimaayadii Ethiopian Airlines maanta soo galayay hawada Somalia la hakiyey.

Saraakiisha Hey’adaha Hawada ayaa ku wargelisay Captain-ka in marka hore ay soo weydistaan Fasax, laguna amray iney dib ugu noqdaan Addis Abeba, ilaa hadda lama oga in Duulimaadkii tegi jiray Mogadishu uu saameyn ku yeelan doono Fasax kala noqoshadaan, Hakinta” ayaa la qaaday kadib markii duulimaadka “aan la qorsheyn” dib loo celiyay.

301730cookie-checkDowlada Federaalka Oo Hawada Ka Celisay Ethiopian Airlines oo Ku sii Jeeday Hargeysa..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com