Khilaaf ka Dhex taagan Urur-Siyaadadeedka Mideeye ee Puntland

Somalia news

Warar dheeraad ayaa laga hemayaa Khilaaf xoogan oo u dhaxeeya Xubnaha Urur siyaasadeedka Mideeye sida ay xaqiijiyeen xubno ka tirsan ururkaas, Khilaafkaan ayaa salka ku haya Muddo xileedka Gudoonka Xisbiga uu kadhamaaday iyo Magacaabis ay iu dhawaaqeen….

Wararka ayaa sheegay in Laba xubnood oo ka mid ah As’aasayaasha Urur-siyaasadeedka Mideeye ayaa Qoraal ay u qoreen guddiga KMG Doorashooyinka Puntland waxay ku caddeeyeen khilaafka jira, iyagoo Xubnahan ay ka codsadeen Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland inuu go’aan ka gaaro Sharciyadda iyo jiritaanka ururka Mideeye maadaama khilaaf hareeyay ururka.

Warqadda ayaa lagu sheegay in khilaafkan ka yimid kadib markii guddoonka ururka iyo golaha dhexe oo mudda xileedkoodu dhammaaday ay soo gudbiyeen liisas aan heshiis lagu ahayn, taasoo dhinaca ka soo horjeeda ay ganafka ku dhufteen.

251170cookie-checkKhilaaf ka Dhex taagan Urur-Siyaadadeedka Mideeye ee Puntland