Jaamaccada Carabta oo kulan ka yeelaneysa Xiisada Somalia iyo Ethiopia..

Somalia news

Waxaa maanta lagu wadaa iney kulan dhanka fogaan araga ah yeeshaan Ururka Jaamacadda Carabta, kaasoo looga hadlayo xadgudubka Ethiopia oo ay ku dooneyso iney ku qaadato qeyb ka mid ah dhulka Somalia, Kulankaan oo Dalbaday Dowlada Federaalka sidii Mowqif mideysan looga qaadan lahaa faragelinta…

Ku xigeenka Xoghayaha guud ee Ururka  Hossam Zaki ayaa Axadii lasoo dhaafay shaaciyay in maanta oo Arbaco ah uu qabsoomayo kulanka, islamarkaana lagu lafa gurayo khilaafka iyo xiisada dhalatay xadgudubka Ethiopia ay ku samaysay madax banaanida Somalia, Baarlamaanka dowladda Federaalka ayaa dhawaan u codeeyay qaraar lagu burinayo heshiis ku sheega bilowgii bishaan Addis Ababa ku dhexmaray Ethiopia iyo maamulka Somaliland.

Kulanka maanta ay ka yeelanayaan Ururka Jaamacadda Carab ayaa ku soo beegmay, xili Berito loo balansan yahay iney kulan deg deg ah oo la xariira Xiisadda Somalia iyo Ethiopia, inkastoo Maamulka Abiy ay shaacisay iney kulankaas ka qeyb gali karin, iyadoo Dowlado iyo Ururo Caalami ahi ay damaca Ethiopia horay uga soo horjeestay garab istaagna u muujiyay Dowlada Federaalka, Ururro iyo dhinacyo kala duwan oo dhamaantood sheegay in waajib uu yahay ilaalinta madax banaanida iyo wadajirka dhuleed ee Somalia.

301680cookie-checkJaamaccada Carabta oo kulan ka yeelaneysa Xiisada Somalia iyo Ethiopia..