Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Mr.Cabdi Canshuur Xasan ayaa sheegay in “cilad Farsamo” ay ku timid Xariga Internet-ka ee siiya Konfurta Somalia, ayna horseeday in khad la’aan ay ku timaado qeybo ka mid ah Dalka Somalia…
Mr.Xasan ayaa sheegay in Farsamada cilad bixinta ay qaadan doonto muddo maalmo ah, balse lagu dadaali doono sidii loo dedejin lahaa shaqada farsamada cilad bixinta ee Xariga Badweynta Hindiya, wuxuuna intaasi raaciyay in Baaris ku socoto meesha cilada ka dhacday, Shirkadaha Hormuud iyo Dalcom ayaa iyaguna ka hadlay.
506000cookie-checkDowlada Oo Ka Hadashay Internet La’aanta Konfurta Somalia