Siyaasadaha is-diidan ee Villa Somalia & Hogaamiyayaasha Hormuudka ka ah Kacdoonka Shababka

Somalia news

In muddo ah waxaa si hoose u soo shaac baxaayay Siyaasadaha is-diidan oo u dhaxeeya Villa Somalia iyo Hogaamiyayaasha hormuudka ka ah Kacdoonka ee ka dhanka ah kooxda argagixisada Shababka, talaabooyinkaan oo u muuqda mid horseedi kara khilaaf isla markaasna xalgal daacinaayo Howlgalada socda…

Wararka ayaa sheegay in horaantii bishii Oktoobar ee Sanadkaan uu Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan khidbad uu jeediyay si weyna u faaftay ku dhawaaqay inuu abaal marinaayo cidii disha Horjoogayaasha kooxda Shababka, sidoo kalena ku baaqay in la khaarjiyo Xaasaskooda, wuxuuna meel fagaare ah ku gudoon siiyay 10.000 US$ mid ka mid ah oo soo dilay Horjooge Shabab ah.

Hase yeeshee Villa Somalia oo ku baraarugtay dhacdadaan xilli dambe isla markaasna ay Saraakiisha Wakiilada ka ah Dalalka Galbeedka ay culeys ku saareen in deg deg lio joojiyo ficilada wax u dhimaaya Howlgalada socda, ayeey waxey Dowladu soo bandhigtay mowqifkeeda ku aadan Baaqyada Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan.

Mas’uulka kala taliya Amaanka Madaxweynaha ayaa sheegay iney qalad tahay in Qof qoorta laga gooyo, wuxuuna codsi u diray Saraakiisha Gobolada iyo Ciidamada iney joojiyaan falalkaasi, isla markaasna la badbaadiyo Xasaaska iyo caruurta Horjoogayaasha iyo Maleeshiyaadka Shababka, wuxuuna sheegay iney Dowladu diyaar u tahay iney soo dhoweeyaan xubnihii go’aansada iney soo goostaan.

Hadalkaan ayaa ku soo beegmaaya xilli ay Hey’ada NISA ay Xabsiyada dhigtay maxkamad la’aan Ganacsato iyo Muwaadiniin kale oo tiradoodu lagu qiyaasay 140-qof, kuwaasoo muddo bil ka badan lagu hayo xabsiyo cusub oo lagu dhisay Canshuurta laga qaado Shacbiga magaalada Mogadishu, iyadoo baaqyo badan oo Dowlada loo jeediyay ay dhegaha ja fureysatay.

221680cookie-checkSiyaasadaha is-diidan ee Villa Somalia & Hogaamiyayaasha Hormuudka ka ah Kacdoonka Shababka