Qorqor Oo Looga Yeeray Muqdisho

Somalia news

Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor ayaa maanta ku soo wajahan magaalada Muqdisho, iyadoo imaanshihiisa Muqdisho uu ku soo aadayo maalin kaddib markii xilka laga tuuray Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in looga yeeray Villa Somalia, waxaana lagu wadaa in lagala Tashado sidii laga yeeli Saraakiisha Ciidamada ee Hogaamisa Haramcad iyo Taliska Boliiska Gobolka Benadir.

Warar kale oo aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Safarkiisa uu ku wehliyo La-Talayihiisa Siyaasada Mr.Axmed Cabdisalaan Oo la sheegay in Mr.Farmaajo uu u soo bandhigi doono Jagada Wasiirka 1-aad muddo harsan ee 6-da Bilood.

50560cookie-checkQorqor Oo Looga Yeeray Muqdisho