Deeqdii Dhaqaale Ee Dowlada Federaalka Oo Laga Jartay

Somalia news

Warbixino hordhaca ah ayaa sheegaya in Dowladaha Dhanka Dhaqaalaha ka taageera Somalia, ayaa la sheegay iney Joojiyeen Dhaqaalihii ay taageero jireen Dowlada Federaalka, kadib markii baaqyadoodii dhegaha laga fureystay…

Xogtaan ayaa Diinah.com news u sheegtay in Dalalka EU-Da USA iyo UK ayaa hakiyay Dhaqaalihii ay ku taageeri jireen Dowlada Federaalka, kadib markii Gudoomiyaha Baarlamaanka, uu Xil ka qaadis muran badan ka dhashay Xilka looga xayuubiyay Wasiirkii 1-aad ee Dowlada Federaalka Mr.Kheyre iyagoona u arkay in talaabadaasi ay baalmarsan tahay Dastuurka iyo Shuruucda Dalka.

Qorshaha Wakiilada Beesha Caalamka, ayaa ah mid ay ku taageereysay, in Dalka si nabad ah ay uga dhacdo Qorshe doorsho Oo heshiis lagu yahay, Joojintaan ayaa saameyn ku yeelan doonto Qeybaha kala duwan ee Dowlada gaar ahaan Ciidamada Dowlada iyo Gunooyinka Xildhibaanada Barlamaanka Oo ay bixiyaan EU-da.

50640cookie-checkDeeqdii Dhaqaale Ee Dowlada Federaalka Oo Laga Jartay