Galmudug Iyo Puntland Oo Qaati Ka Taagan Qamriga

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya degaanada Galmudug iyo Puntland ayaa sheegaya in Mas’uuliyiinta Maamulada iyo kuwa Amaanka ay qaati ka taagan ka gancsiga iyo iibinta Qamriga, oo si xowli ah ugusoo badanaya degaanadooda arrintaas oo loo sababeynayo Qaadka ka yimaada dalka Ethiopia oo qamriga lagusoo dhex qariyo….

Saraakiisha Amaanka Ee 2-maamul ayaa sheegay mudadii Qaadka Hareeriga uu kasoo bilowday dhinaca Ethiopia islamarkaana uu istaagay Qaadka Miiroowga ee Kenya ka imaan jiray, ay fududaatay in Qamriga si fudud kusoo galo degaanadaasi, iyadoo ui aad u kordhay Dembiyada la xiriira.

Waxaana si toos ah loogu Eedeeyay kooxaha ka ganacsada Qaadka, kuwaasoo la sheegay iney yihiin kuwa gaadiidkooda kusoo qariya Qamriga maadaama aan lagu samaynin wax baaritaan ah.

Falalka kororka dembiyada iyo Saameynta Qamriga ayaa  keentay inay kordhaan dhibaatada ay geysanayaan dadka caba, waxaana magaalooyinka Dhuusa mareeb, Gaalkacyo, Garoowe iyo Boosaso ka dhacay dilal iyo rabshado kale oo ay geysteen dad isticaamalayay qamriga. 

59310cookie-checkGalmudug Iyo Puntland Oo Qaati Ka Taagan Qamriga