Dowladda Belgium Oo Talaab Amaan Qaaday

World

Dowladda Belgium ayaa dalkeeda ka masaafurisay 5-qof oo u dhashay dalka Denmark kuwaasoo aaminsan fikirka midig fog islamarkana waxaa laga mamnuucay muddo sanad ah, kadib markii ay qorsheeyeen inay ku gubaan Kitaabka Quraanka Kariimka….

Falkaan ayay doonayeen Kooxdaani inay ka fuliyaan magaalada Brussels gaar ahaan degaan ay ku badan yihiin dadka Muslimiinta, Xoghayaha arrimaha gudaha dalka Belgium Sammy Mahdi ayaa raggan ku tilmaamay “inay halis ku yihiin Amaanka iyo kala dambeynta”.

Sida ay 5 nin ku xuseen bog ay barta facebook ku leeyihiin waxay xiriir la leeyihiin siyaasiga midig fog ee u dhashay dalka Denmark kaasi oo lagu magacaabo Rasmus Paludan, Shaqsigaan ayaa laga ceyriyay dalka Faransiiska Arbacadii kadib markii uu muujiyay in uu doonayo in Kitaabka Quraanka uu ku gubo magaalada Paris.

Horraantii sanadkan ayaa siyaasigani xabsiga la dhigay muddo bilooyiin ah dalkaasi Denmark ka dib markii lagu eedeeyay in uu u gefay Islamka, islamarkana uu muuqaalo ka dhan ah Islamka uu so dhigay baraha bulshada uu xisbigiisa Stram Kurs .

72030cookie-checkDowladda Belgium Oo Talaab Amaan Qaaday