Qarax Miino Oo Ka dDhacay Gobolka Sool & Khasaare Ka Dhashay

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax xoogan oo ka dhacay degaanka lagu magacaabo Dharkayn-geenyo oo 7-KM u jirta Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, kaasi oo dhaliyey khasaare xoogan….

Wararka Ayaa sheegay in Qaraxaan uu ahaa haraadiga miinooyin dhulka lagu aaso xili hore, waxaa ku geeriyoodey 3 ruux oo isku Qoys ah iyo 8 Neef oo Geel ah, waxaana guddoomiyaha degaanka Zakariye Cabdullaahi Xersi uu sheegay inuu ahaa haraadiga miinooyinkii dagaalkii 77 ee Ethiopia iyo Somalia.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in miinooyinka noocaasi ah ay ku badan yihiin Degaanada ayna xilliyada roobka biyuhu banaanka u soo saaraan, ayna ku waxyeeloobaan dad iyo duunyo intuba, wuxuuna ugu baaqay Maamulada Iyo Hey’adaha Caalamiga ah iney gacan ka geystaan sidii baaris loogu sameyn lahaa degaanadaasi.

72070cookie-checkQarax Miino Oo Ka dDhacay Gobolka Sool & Khasaare Ka Dhashay