Baasaboorada ugu Awooda badan Caalamka Sanadkaan 2022 waa kuwee? 

World

Warbixin 3-biloodle ah oo ay ka soo saartay Qiimeynta Baasaboorada ayeey ku sheegtay in Shaciga Saddex dal oo Aasiyaan ka tirsan ayaa ku guulesyteen iney kaalinta 1-aad ka galeen, xorriyadda socdaalka caalamiga ah marka loo eego kuwa dalalka kale, qiimeyntaan ayaa xog laga uruuriyay dhanka safarada ah….

Warbixinta ayee ku xuseen Shirkadda Henley & Partners ee fadhigeedu yahay London, in Dalka Japan ayaa ka hormarisay Singapore iyo Kuuriyada Koonfureed Baasaboorka muwaadiniinteeda fiisa la’aan ama dal-ku-gal la’aan ay ku tagi karaan 193 goobood oo adduunka ah.

Dhanka qaarada Yurub ayaan isbeddel weyn ku imaan waxaana hoggaanka u haya Jarmalka iyo Isbayn oo isku mid ah 190 dal ku tegi kara Fiiso la’aan, waxaana ku xiga Finland, Italy, Luxembourg 189.

Sidoo kale waxaa kaalinta shanaad ku jira Austria, Denmark, Netherlands iyo Sweden, halka France, Ireland, Portugal iyo Boqortooyada Midowdey (UK) ay ku jiraan kaalinta 6aad, New Zealand iyo Mareykanka ayaa ka soo muuqday No.7, iyadoo ay barbar socdaan Belgium, Norway iyo Switzerland.

Dalka Somalia ayaa ka wanaagsan dalal dhawr ah sida yemen, Ciraaq, Siiriya, Bakistaan iyo Afqaanistaan waxaana ay ku jiraan kaalinta 107, baasaborka Soomaalya ayaa dal kugal la’aan lagu tegi karaa 35 dal oo u badan Afrika iyo Aasiya.

  1. Japan (193 goobood)
  2. Singapore, South Korea (192 goobood ama dal)
  3. Germany, Spain (190 goobood)
  4. Finland, Italy, Luxembourg (189 goobood ama dal)
  5. Austria, Denmark, Netherlands, Sweden (188 goobood)
  6. France, Ireland, Portugal, United Kingdom (187 goobood)
  7. Belgium, New Zealand, Norway, Switzerland, United States (186 goobood)
  8. Australia, Canada, Czech Republic, Greece, Malta (185 )
  9. Hungary (183 goobood)
  10. Lithuania, Poland, Slovakia (182 goobood)

Dalalka ugu hooseeya:-

105. Kuuriyada Waqooyi (40 goobood)
106. Nepal, Falastiin (38 goobood)
107. Somaliya (35 goobood)
108. Yemen (34 goobood)
109. Pakistan (32 goobood)
110. Suuriya (30 goobood)
111. Ciraq (29 goobood)
112. Afghanistan (27 goobood)

202800cookie-checkBaasaboorada ugu Awooda badan Caalamka Sanadkaan 2022 waa kuwee? 
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com