Dowladda Canada Oo Qorsheysatay Musaafuriso Dhalinyaro Soomaaliyeed

Somalia news World

Warbixino hordhac ah ayaa muujinayaa in Dowladda Canada ay bilaawday iney ku dhaqaaqdo qorshaha ay ku masaafurineyso ku dhawaad 400 oo Dhalinyaro Soomaali ah oo Dalkaasi ku galay Baasaboorka waddamada deriska la ah Somalia…

Canada ayaa sheegtay in dhalinyaradaas aanay ahayn Soomaali maadaama ay ku galeen Baasaboorka waddamo kale sidaas awgeed ay ku qasban tahay in ay masaafuriso oo dib ugu celiso waddamada ay ku socdaaleen Baasaboorkooda.

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Canada & Mas’uuliyiinta xilalka Dowladda ka haya ayaa loogu baaqay iney u istaagaan sidii ay uga hortagi lahaayeen in la masaafuriyo Dhalinyarada oo dhammaan isku kiis ah, Canada ayaa ku dhawaaqday qorshaha ay dib ugu celineyso Dhalinyaradaan Soomaalida ah ee Dalkaas ku gashay Baasaboorka waddamada deriska ah, Dowladdu waxa ay ku doodeysaa in qorshaha soo gelistooda uu qaldamay sidaas awgeed ay masaafurinayaan.

226210cookie-checkDowladda Canada Oo Qorsheysatay Musaafuriso Dhalinyaro Soomaaliyeed