Ma Dhabaa in Maamulka Villa Somalia ay Iclaamiyeen Dagaal ka dhan Garabyada Siyaasiyiinta la leeyahay…

Somalia news

Inkastoo uu muddo 7-bilood iyo bar uu Hogaanka Dalka u hayay (Xasan Sheekh) isla markaasna ku mashquulay in jagooyinka sare ee Muhiimka ah ku abaal mariyay Taageerayaasha Ururkiisa iyo midka gacan saarka la leh, isla markaasna uu Beeshiisa (Hawiye) ku mashwuuliyay dagaalka kooxda argagixisada Shababka si uu Mansab iyo Magac ugu helo…

Madaxweynaha ayaa lagu eedeeyay inuu ku dhawaaqay dagaal 4-geesood ah, Wuxuuna xiligaan qorsheynayaa inuu ka dhawaajiyo jihada uu ku hagaayo Siyaasadiisa arrimaha gudaha, isagoo fariin xambaarsan dhiilo colaadeed hawada u mariyay waxa uu ku sheegay “ Siyaasiyinta la leeyahay”, oo ka fekeraaya doorashada 2026-ka, isagoo wacad ku maray in 4-sano gudahood uu soo afjari doono Madaxda Maamulada Mucaaradsan, Xildhibaanada iyo “Siyaasiyiinta la leeyahay” isla markaasna diyaariyo Wakiilo ay kooxdiisu soo xushaan una adeegaya Dalka iyo Dadka uu dhibaateeyo maalin kasta.

Ayaan darrse waxaa ah in xiligaan ka muuqata Khubadhiisa (Madaxweynaha) kuwo laab la kac ku dhisan oo aan faaf reeb laheyn, isla markaasna la-taliyayaashiisa ay yihiin kuwo aan khibrado laheyn curina karin hal abuur siyaasadeed, taaasina ku khasabtay inuu kaligiis duul noqday Duqa, oo difaaco danaha Kooxdiisa.

Ku darsoo Madaxweynaha ayaa sidoo kale lagu eedeeyay inuu ka gaabiyay sugida Amaanka Caasimada (Dhibaatooyinka Isbaarada Ciidamada), fududeynta Qaraxyada ee Saraakiisha Ciidamada iyo Safaradiisa Dalxiiska ah ee dibeda, isagoo la mid noqday Maamulkii ka horeeyay oo ku fashilmay inuu oofiyo Balanqaadyadiisii Doorashada.

233330cookie-checkMa Dhabaa in Maamulka Villa Somalia ay Iclaamiyeen Dagaal ka dhan Garabyada Siyaasiyiinta la leeyahay…
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com