Dowladda Federaalka oo ka Baaran-dageysa sidii Diyaaradaha Caalamiga ee ka Degay Hargeysa loo soo Marsiin lahaa…

Somalia news

Kadib markii ay kordheen falalka la xiriira khalkhal gelinta diyaaradaha Caalamiga ah ee dul mara Hawada Somalia, ayeey Wasiirada Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Dowladda Federaalka, Xildhibaanad Fardowso Cusmaan Cigaal ayaa waxay uga digtay maamulka Somaliland isku daygiisa ku aadan qalqal galinta amniga diyaaradaha ku goosha hawada Dalka..

Wasiirada ayaa sheegtay, sii socoshada isku dayga tallaabooyinkaan carqaladeynta ah, in ay keeni karaan in dowladda Federaalka ay ka fekerto in Duulimaadyada Caalamiga ah ee ka dega magaalada Hargeysa lagu qasbo inay marka hore soo maraan magaalada Muqdisho.

Waxey intaasi raacisay in Dowladda Somalia ay haatan u guurtay  isgaarsiin cusub, taasoo meeshii ka saartay isgaarsiintii horey ay u wada isticmaali jireen Muqdisho iyo Hargeysa, iyadoo dil ostaagtay in dhamaan diyaaradaha lagu amray oo ay haatan ku shaqeeyaan isgaarsiinta laga maamulo magaalada Muqdisho ee caasimadda Dalka.

Waxay sheegtay in maamulka Somaliland haddii ay cabasho qabaan ay kala hadlaan dowladda federaalka, kuna soo laabtaan miiska wada hadalka, si looga heshiiyo wixii tabasho ah ee ay qabaan, iyadoo caddaysay in Dowlada ay horey maamulka Somaliland ugu fasaxday duulimaadyada caalamiga ah ee ka dega Hargeysa.

311090cookie-checkDowladda Federaalka oo ka Baaran-dageysa sidii Diyaaradaha Caalamiga ee ka Degay Hargeysa loo soo Marsiin lahaa…
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com