Dagaalo Ka Dhacay Bay Iyo Bakool

Somalia news

Dagaalo culus ayaa dhowrkii maalmood ee ugu dambeeyay ka dhacay degaano ka tirsan Gobolada Bay iyo Bakool, kuwaasoo u dhaxeeya Ciidamada Dowlada, kuwa Ethiopia iyo Maleeshiyaadka Kooxda Shabaabka geystayna khasaare xoogan..

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in dagaal xoogan uu ka dhacay degaanka Abal, oo qiyaastii 18km dhinaca waqooyi kaga beegan Magaalada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool, Dagaalka ayaa yimid, kadib markii Ciidamada Dowlada iyo kuwa Sheekh Mukhtar Roobow Oo is kaashanaaya lagu soo weeraray farisimadooda, waxaana la sheegay in khasaare balaaran uu ka dhashay, iyadoo dhaawacyo kor u dhaafaya 13- la keenay Isbitaalka Magaalada Baydhabo.

Dhanka kale, Ciidamada Ethiopia Oo sahay iyo saanad gaarsiyay Ciidamadooda ku sugan Gobolka Bay, isla markaasna dib ugu noqonaayay dalkooda ayaa la sheegay in 3-maalmood ay ku xayiran yihiin inta u dhaxeysa degaanka Aw-diinle iyo Berdaale, kadib markii dagaalo xoogan ay kala kulmeen Kooxda Shabaabka iyo Miinooyin loogu beeray wadada.

40100cookie-checkDagaalo Ka Dhacay Bay Iyo Bakool