DP World Khidmadaha Ku Kordhisay Dekada Berbera

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa shaqo joojin muddo 9 maalmood ah ka taagan Dekedda magaalada Berbera kadib markii ay shirkadda maamusha ee DP world ay kordhisay khidmadaha ay ka qaadi jirtay Ganacsada wax kala soo dega dekedda, taasoo dhalisay caro xoogan…

Wararka ayaa sheegay in Maamulka DP World ayaa khidmado kala duwan ku soo rogay Ganacsatada iyo Dadka Alaabada kala soo dega Dekada, iyadoo sidoo kale Qofkii Dekada gelaaya laga doonaayo inuu bixiyo 2-US$ (daily access card), halka “Koontiinarka 20 fiit ah wuxuu ahaan jiray (oo lagu dejin jiray) 320 dollar, halka ay imika ka dhigeen 482 dollar, farqiga u dhexeeya waa 162 dollar, qodobka labaad kontiinarka 40 fiit wuxuu markii hore ahaa 650 dollar, halkay imika ay ka dhigeen 859 dollar, farqiga u dhexeeya intay ku dhigeen waa 209 dollar, alaabta ku iman jirtay koontiinar halkii tan-ba waxay ahaan jirtay 10.5 dollar, halkay imika ka dhigeen 15 dollar.

161300cookie-checkDP World Khidmadaha Ku Kordhisay Dekada Berbera