Ma Dhabaa in Midowga Europe uu Culeys ku Saaray Dowladda Federaalka iney Aqbalaan Heshiis…

Somalia news World

Warbixin laga helay Ilo loo qaateen ah ayaa daaha ka rogaaya in Qaar ka mid ah Dalalka Midowga Yurub ay Dowladda Federaalka u gudbiyey dalab adag oo ku wajahan iney aqbalaan in qaar kamid ah Muwaadiniin Soomaaliyeed oo Dalalka Europe Qaxooti ahaan loo qaabili waayay ama sharciyada dalalkaasi lagala noqday dambiyo galeen dartood laguna xakumay in dib loogu celiyo Dalkoodii hooyo…

Xogtaan ayaa Warsidaha Diinah.com news u sheegtay in Mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka ay muddo ka gows qabsanaayeen iney aqbalaan dalabkaasi ayaa hadda lagu bilaabay in culeys la xiriira in la joojiyo taageerada dhaqaale ee qaar ka mid ah maalgelinta Mashaariicda lagu taageero Somalia, iyadoo shuruud looga dhigay in la aqbalo soo celinta Dhalinyaradaasi horey uga haajiray Somalia.

Warar loo qaateen ah ayaa sheegaya in qaar ka mid Dhalinyarada la soo celiyay qaarkood ay dileen Kooxaha argagixisada, halka kuwo kale ay ku biireen kooxahaasi, iyadoo sidoo kale wel wel laga muujiyay in Dhalinyaradaan qaarkood oo ay balwadi dilootay ay ka mid noqdeen kooxaha ka ganacsada noocyada Mandooriyayaasha ee culeyska amaan ku haya Magaalada Mogadishu.

Dhanka kale, waxaa horey u shaqeynaayay Heshiis ay Dalalka Scandinavian-ka la galeen Hey’adda Socdaalka Somalia ee soo celinta Dhalinyarada tahriibka ku taga Dalalkaasi iyo kuwa Dembiyada ka gala, iyadoo Hey’adda Socdaalka ay from u diyaarisay ay heystaan Hey’adaha Amaanka Dalalka kor ku xusan Halkii Qof ee la soo celiyo Hey’ada Socdaalka Somalia waxaa loo shubaa 300-Euro talaabadani ay Sharci yaqaano ku tilmaameen sharci darro.

324400cookie-checkMa Dhabaa in Midowga Europe uu Culeys ku Saaray Dowladda Federaalka iney Aqbalaan Heshiis…

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *