Ma Dhabaa in La-taliyihii Madaxweynaha laga Horistaagay inuu ka Dhoofo Garoonka Diyaaradaha…

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa in Xoogaga Amaanka Garoonka Diyaaradaha magaalada Garoowe ay ka horistaageen inuu ka dhoofo Garoonka xilli uu doonaayay inuu soo gaaro magaalada Mogadishu, wuxuuna ka mid ahaa 4-Xubnood oo Warqad qabasho loo jaray…

Wararka ayaa sheegay in Mr.Khadar Cabdiraxmaan Faroole ayaa ka mid ahaa tiro Siyaasiyiin iyo Waxgarad aad uga soo horjeeday Madaxweynaha Muddo xileedkiisu gababsiga yahay ee Puntland Saciid Dani, qaabka uu maareeyay Doorashada Degaanka Puntland.

Wararka ayaa sheegeya in Degaano ka tirsan Gobolka Nugaal aysan ka shicin Doorashada degaanka, inkastoo dadaalo badan ay sameeyeen lagu guuleystay in Maleeshiyaadkii hubeysnaa ee ka soo horjeeday Hanaanka Doorashada laga qaaday gudaha magaalada hadana talaabadani waxey dib u soo cudbooneysiin kartaa Khilaafkii jiray.

Ku darsoo Madaxweynaha Puntland ayaa ka tagay Magaalada Garoowe kadib markii ay Isbaarooyin dhigeen Maleeshiyaadka Beesha Garoowe, shakina uu ka muujiyeen iney weerar ku qaadaan xarunta Madaxtooyada, wuxuuna muddo maalmo ah ku sugan yahay magaalada Boosaaso.

258610cookie-checkMa Dhabaa in La-taliyihii Madaxweynaha laga Horistaagay inuu ka Dhoofo Garoonka Diyaaradaha…