Duqa Muqdishu Oo Lagu Eedeeyay Dhul Boob

Somalia news

Macluumaad ayaa laga helayaa in Maamulka gobolka Banaadir (Cumar Finish) uu koox Ganacsato ah ka iibiyey dhulkii xaruntii Waaxda Oktoobar ee degmada Waaberi sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay….

Xaruntan oo ah hanti dowladeed ayaa waxaa horey u soo celiyey Guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir Marxuum Eng. C/raxmaan Yariisow ka dib markii Maamuladii isaga ka horeeyey ay ka iibiyeen rag ganacsato ah.

Masuuliyiin ka tirsan Maamulka degmada Waaberi oo magacooda ka gaabsaday ayaa sheegay in markii uu geeriyooday Eng. Yariisow uu mar kale damac soo soo galay ganacsatadii laga soo celiyey dhulka ay ku fadhido xarunta Waaxda Oktoobar, kuwaasoo mar kale ku guuleystay in si sharci daro ah loogu wareejiyo xaruntaas.

Xarunta Waaxda Oktoobar ee degmada Waaberi ayaa ku taalla goob istaraatiiji ah oo ku haboon ganacsiga, waxaya kaabiga ku heysaa Suuqa beerta iyo wadada Via Liberia, waana taas sababta ganacsatadan ay u daba taagan yihiin in xaruntan loogu talo galay danta guud ay u adeegsadaan danahooda gaarka ah.

Xubno ka tirsan maamulka gobolka Banaadir oo wax laga weydiisay dhulkaan ayaa xaqiijiyey in xaruntii waaxda Oktoobar ee degmada Waaberi lagu wareejiyey rag ganacsato ah, sababta keentay wey ka gaabsadeen balse waxay ku andacoodeen inaan la iibinin dhulkaas, balse ganacsatada laga kireeyey muddo 30 sanadood ah.

91480cookie-checkDuqa Muqdishu Oo Lagu Eedeeyay Dhul Boob