Midowga Yurub oo Ansixiyay  Dhaqaale lagu Taageeraayo Ciidamada ATMIS

Africa News Somalia news

Guddiga Siyaasadda iyo Amaanka Midowga Europe ayaa ansixiyay taageero dhaqaale oo dheeraad ah oo loogu talo galay hawlgalka midowga Afrika ee Somalia (ATMIS), Ansixintaan timid iyadoo Ururkaan uu dhaqaale badan ugu yaboohay dagaalka ay Ukraine kula jirto Ciidamada Russia iyo Maamulada Donbas…

Sannadkan 2022-ka, Midowga Yurub ayaa 120 milyan oo Yuuro ku dari doona taageeeradii dhaqaale ee uu siin jiray ciidamada howlgalka midowga Afrika ee Somalia, Taageeradan ayaa inta badan waxay gacan ka geysan doontaa gunnooyinka askarta howlgalka ATMIS, si ay awood ugu yeeshaan howlgalku inuu si hufan u guto waajibaadkiisa.

Midowga Yurub ayaa ugu deeqay AMISOM/ATMIS, wadar ahaan lacag ku dhow €2.3 bilyan tan iyo 2007, Hogaanka Ururkaan sheegay iney diyaar u yihiin iney si dhow ugu lug yeesho oo uu si buuxda uga go’an yahay inuu gacan ka geysto xoojinta guulaha amni ee Somalia.

199090cookie-checkMidowga Yurub oo Ansixiyay  Dhaqaale lagu Taageeraayo Ciidamada ATMIS
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com