Ma Dhabaa in Ergeygii UN-ka ee Somalia Xilka laga Xayuubinaayo Xilli Qalalaase Siyaasadeed Taagan yahay..

Somalia news

Macluumaad loo qaateen ah ayaa tilmaamaya in Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Mr.Antonio Guterres uu go’aansaday inuu bedelo Catriona Liang oo u dhalatay UK Ergeyga gaarka ee u qaabilsan arrimaha Somalia, iyadoo lagu eedeeyay iney ku milantay Siyaasadaha is diidan ee Kooxaha Somalia…

Habartaan oo muddo ka yar 9-bilood xilka heysay ayaan dhameysan doonin muddo xileedkeeda, waxaana lagu eedeeyay dhaqaale badan lunsatay iyo iney u nugleyd Horgalada Waqooyiga Somalia, isla markaasna ay isbaaro u dhigatay in Maamulka Gobolka Sool uu hoos yimaado Dowlada Federaalka, iyadoo lagu wado inuu bedelo shaqsi ka soo jeeda Dalka Mareykanka.

Isbedelka kediska ah Ergeyga Arrimaha Somalia ayaa ku soo beegmaaya xilli Somalia ay dhex dabaalaneyso qalalaase siyaasadeed oo la xiriira wax ka bedelka Daatuurka iyo Hogaan xumo ku habsatay Villa Somalia iyo Horgalada Maamulada Gobolada Dalka, kuwaasoo dantooda ka hor mariya Danta guud, waxaa sidoo kale baaqday Kukankii GWQ sababo la xiriira sad buursi, gebi ahaana waxaa istaagay Howlgaladii Lagu baacsanaayay Kooxaha Argagixisada.

322620cookie-checkMa Dhabaa in Ergeygii UN-ka ee Somalia Xilka laga Xayuubinaayo Xilli Qalalaase Siyaasadeed Taagan yahay..

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *