Digiino Hordhac ah Oo Laga soo Saaray Xili-Roobaadka Dalka & Khasaaraha uu Geysan Karo…

Somalia news

Cimilo Cimilo (ingiriis: climate; carabi: مناخ) waa isbedelka ku yimaada marxaladaha kuleylka, qaboowga, huurka, cadaadiska cirka, dabeylaha iyo roobka ee degaan ka mid ah dhulku yeesho mudo aad u dheer, Sida caadiga ah Cimiladu way ka duwan tahay jawiga, sababtoo ah jawigu waa marxalada isbedel ee waxyaabaha aan kor ku soo xusnay ee wakhti gaaban…

Sidoo kale waxaa saameyn xoogan keena biyaha badaha iyo noocyada kale ee biyo ah (sida harooyinka, webiyada IWM) deegaan leeyahay. Tusaale ahaan, dhulka jooga sareeya ee Buuraleyda ah weey ka qaboow iyo dabayl badan yihiin deegaanada xeebaha ah ee joogoodu hooseeyo. Taasi waxay ku xidhan tahay cimilada.

Hadaba, Waxaa la filayaa in Degaano badan oo Dalka ka mid ahi ay ku soo rogmadaan Daadad la xiriira El-nino ayaa laga filayaa Somalia, iyadoo roobabka Deyrta la filayo inay billaabaan bisha Oktoobar, Hey’adda USAIDSavesLives waxay taageertay khariidadda kooxda Fayadhowrka meelaha khatarta sare leh si ay ugu diyaar garoobaan saameynta fatahaadaha ee Beledweyn, Buulaburde, Jalalaqsi, Jowhar, Balcad, Baardheere, Doolow, Mogadishu, Qardho iyo Luuq.

Hadaba Dowlada Iyo Shacbiga Diyaar ma yihiin ok ma qorsheysteen sidii loo hortagi lahaa Daadaka iyo Toobka Mahiigaanka ah ee Dalka ku soo fool leh Bal Eeg Daadadka ku rogmaday Degmada Derna ee Dalka Libya oo laga cabsi qabo iney ku geeriyoodeen 2000 oo Qof.

https://x.com/bnonews/status/1701390390824222833?s=46&t=ULdzLZsDXJ_GmmSfmTsWjw

276870cookie-checkDigiino Hordhac ah Oo Laga soo Saaray Xili-Roobaadka Dalka & Khasaaraha uu Geysan Karo…
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com