Eedeysane Dil Bareer ah Geystay Oo Lagu Qabtay Magaalada Mogadishu.

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Eedeysane Fal Dil bareer ah shalay galab ku dilay haweeney ka tirsan Waaxda Nadaafada Degmada Hodan ee Gobolka Benadir ku dilay degmada Hodan ee magaalada Muqdisho, kaasoo isku dayay inuu baxsado…

Wararka ayaa sheegaya in Howlgal ay fuliyeen Waaxda Amaanka ee Degmada Hodon, ay shalay galabtii abaare 17:40 PM, waaxda Kacaan gacanta ku dhigay Eedeysane dilay u geystay Marxuumad Khadiijo Siyaad Maxamed ina Saliimo Cumar Cismaan 43 jir ah, kana mid aheyd shaqaalaha Nadaafada ee Degmada Hodon.

Eedeysanaha oo magaciisa lagu sheegsy Ibraahim Aadan Maadeey ina Nuurto Cabdi Cabdulle 19 jir ah ku dhashay Shabelaha Hoose degan Ceelasha Biyaha, kana tirsan kooxaha Argagixisada, ayeey Xoogaga Amaanka gacata ku dhigeen, xiligii uu dilka geystay, wuxuu isku dayay inuu Ciidanka iska difaaco, Balse, waxaa suurta gashay in la qabto isaga oo dhaawac iyo hubkii uu falka ku geystay.

297970cookie-checkEedeysane Dil Bareer ah Geystay Oo Lagu Qabtay Magaalada Mogadishu.
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com