Guddiyada Doorashada Oo aad Loo Dhaliilay

Somalia news

Inkastoo Xisbiyada Mucaaradka ay Ku Eedeeyeen Maamulka Farmaajo inuu Guddiga Doorashada isku kooban oo Askar Iyo Sarkaal ka tirsan NISA uu ku qoray, hadana Sharci doorasho lagu heshiiyay – Sharci ma noqdo illaa la helo qodobadan:-

1- In Baarlamaanka uu ansixiyo
2- Madaxweynaha saxiixo
3- Faafinta rasmiga ah uu ku soo baxo.

Intaan marka la helo ayaa la fulin karaa.

Sida muuqata sharciga weli sharci ma aha illeen faafinta kuma soo bixin, Madaxweynahana xalay keliya ayuu saxiixay.

Haddii aan sharci la dabaqi karin illaa uu ka ansaxo, sharcigee loo cuskaday dhismaha guddiyaddii la magacaabay.

Sharciga uu madaxweynuhu saxiixay, waxaa ku qoran qodobbo ay ahayd in fulintooda ka taariikh horeeyay saxiixiisa, sidee sharci aan taariikhdiisa dib loo bedelin uu sidiisa ugu saxiixay?

Nuxurka:

  • Guddiyada sharci ma aha marka muranka dhanka dhexdhexaadnimadoodaba laga tago.
  • Su’aal waxaa taagan sababta uu intaan oo waqti ah u saxiixi waayay wax qalin keliya uga baahan oo aan aqrin iyo dersid uga baahneyn maaddaama uu heshiiska qeyb ka ahaa.

Waxaa la rumeysan yahay inay tani qeyb ka tahay ku tumashadii sharciga ee lagu eedeyn jiray Madaxweynaha, iyo inuu wado abaabul aan raali laga ahayn dib u dhigis ku guuleysi doorasho hal dhinac ah ama inuu waqtiga ku sii dheereysto.

72160cookie-checkGuddiyada Doorashada Oo aad Loo Dhaliilay