Dagaalo Culus Oo Hubka Noocyadiisa kala Duwan La isku Adeegsanaayo oo ka Socda Duleedka Laas-caanood

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya magaalada Laas caanood ee Gobolka Sool ayaa sheegaya inuu dib u qarxay dagaal culus dib uga qarxay duleedka Magaalada, kaasoo u dhexeeya Maleeshiyaadka Maamulka Somaliland iyo Xoogaga Degaanka ee SSC-KHAATUMO..

Wararka hordhac ah ayaa sheegaya in Dhinacyada ayaa ku dagaalamaya duleedka Laascaanood, gaar ahaana aaga lagu magacaabo Isku dhoonka oo kamid ah goobaha ay isku horfadhiyaan labada dhinac, halka jihada Maraaga-na laga maqlay madaafiic ay is dhaafsanayaan, Sida ay sheegayaan wararku, dagaalka ayaa yimid kadib saacado badan oo labada dhinac isku ridayeen madaafiicda culus Khasaare ayaa ka dhashay, sida ay xaqiijinayaan goobjoogayaal.

Maanta, Magaalada Laascaanood waxaa tagaya wafdi Isimo dhaqan ah oo ka yimi Koonfurta Dalka, kuwaasoo ay Dowladda faderaalka taageerayso, waxayna ka dib kulamada Laascaanood u gudbi doonaan Hargeysa oo ay kula kulmayaan Maamulka Somaliland.

248270cookie-checkDagaalo Culus Oo Hubka Noocyadiisa kala Duwan La isku Adeegsanaayo oo ka Socda Duleedka Laas-caanood
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com