Ururka Oromada Ethiopia oo aad uga Walaacsan Badqabka Muwaadiniintooda Somalia ku Nool..

Africa News Somalia news

Qoraal ay soo saareen Ururka Mucaaradka Oromada ee dalka Ethiopi (OLF), ayeey walaac xoogan ka muujiyay xiisadda u dhaxeysa Ethiopia iyo Somalia, kadib markii ay Maamulka Abiy uu Maamulka falaagada Somaliland kala saxiixdeen heshiis is-afgarad ah oo lagu siinayo Xeebta Lughaya..

Qoraalka ayeey ku sheegeen “Waxaan ku baaqaynaa xasillooni iyo isfaham dhinacyada oo dhan ah, anagoo ku boorinayna ixtiraamka qaxootiga iyo muwaadiniinta rayidka ah ee labada dhinac inta lagu jiro waqtiyadan dareenka leh,” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay Xafiiska Xiriirka Dibadda ee xisbiga, Ururka Oromada ayaa sheegay dhacdooyinka u dhexeeya 2-Dowladood iney dhaawac u gaysteen qaxootiga Oromada iyo Dadka Rayidka ah ee ku kula nool labada Dal.


Qoraalkaan ayaa daba socday baaqyo iyo kacdoono isa soo tarayay oo baraha bulshada lagu faafiyay oo ahaa in muwaadiniinta Itoobiya, gaar ahaan Oromada laga saaro Somalia, Saxiixa Is-afgaradka oo Ethiopia u ogolaatay inay hesho badda si ay Somaliland u hesho aqoonsi caalami ah, ayaa caro ka dhaliyay guud ahaan Somalia.

299860cookie-checkUrurka Oromada Ethiopia oo aad uga Walaacsan Badqabka Muwaadiniintooda Somalia ku Nool..