Baaritaan Lagu Kashifay Dhaqaale Ay Dhaceen Madaxda Aduunka Qaarkood

World

Waxaa la soo bandhigay baaris iyo daba gal dheer oo lagu sameeyay Qaar ka mid ah Madaxda Aduunka, kuwaasoo hantidooda si qarsoodi ah ugu dhibteen shirkaddo shisheeye, isla markaasna iibsaday saamiyo Shirkado, guryo iyo dhulal qaali ah…

Dukumentiyadaan oo loogu magacdaray “Pandora Papers”, iyadoo lagu shaaciyay in ka badan 35-Madaxweyne oo xiligaan xil haya iyo kuwo hore, kuwaasoo la la xiriirinaayo iney hantidooda u dhiibteen shirkaddo shisheeye, iyadoo lagu xusay baaristaan in Boqorka Dalka Jordan Abdullah uu ku keydsaday Bangiyo ku yaal Mareykanka & UK 70-Millions US$.

Dhanka kale Madaxweynaha Kenya Uhuruu Kenyatta iyo 6-xubnood oo Qoyskiisa ah, ayaa la ogaaday iney si qarsoodi ah u hirgeliyeen shirkado oo iyagu ay leeyihiin kuwaasoo gaaraya 11-shirkadood, kuwaasoo maamula dhaqaale dhan 39-millions US$, waxaa kaloo ku jira Ra’iisul Wasaaradaha Pakistan Imran Khan iyo Xubno ka tirsan Golihiisa Wasiirada iyo kuwo kale.

https://www.reuters.com/world/pandora-papers-document-dump-allegedly-links-world-leaders-secret-wealth-2021-10-03/?taid=615a452ea6777700018ff28d&utm_campaign=trueAnthem:+Trending+Content&utm_medium=trueAnthem&utm_source=twitter

143540cookie-checkBaaritaan Lagu Kashifay Dhaqaale Ay Dhaceen Madaxda Aduunka Qaarkood