Iska Horimaad Hubeysan Oo Ka Dhacay Baydhabo

Somalia news

Warar hordhaca ah ayaa laga helayaa dagaal xoogan oo xalay Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay ku dhexmaray Xoogaga Amaanka oo ay wehliyaan kuwa Federaalka iyo Maleeshiyaadka Kooxda argagixisada Shabaabka kaasoo khasaare aan la shaacin geystay..

Wata ayaa sheegay in Koox ka tirsan Maleeshiyasdka ka tirsan Shababka ayaa weerar culus ku qaaday bar kantarool oo ku taal gudaha Baydhabo (Wadada Sodonka) halkaas oo dagaal ku dhexmaray labada, Dadka ku dhaqan xaafadaha Mursal iyo Idaada ayaa kuu sheegaya in habeen bar ay hurdada kaga soo baraarugeen sawaxanka qoryaha darandooriga u dhaca iyo gantaalaha garbaha laga tuuro.

Goob-joojayaal ayaa sheegay in saacado kooban  hugunka rasaasta iyo hubka culus laga maqlay magaalada Baydhabo balse aan weli faahfaahin laga helin khasaaraha ka dhashay,Dhinaca kale Saraakiisha ciidamada Koonfur Galbeed iyo kuwa Federaalka ayaa sheegay in ay iska caabiyeen weerarkaas.

143410cookie-checkIska Horimaad Hubeysan Oo Ka Dhacay Baydhabo